Sunday, October 25, 2015

Kalfadhiga 7aad todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta 25 10 2015 si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho

Posted By: KowtharMedia - 12:01 AM
** Kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta  25 10 2015  si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabaka.



 Furitaanka waxaa ka qeybagalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka  iyo inta badan xubnaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furitaanka kalfadhiga todobaad ee golaha shacabka ka jeediyo khudad dastuuri ah oo uu kaga hadli doono wax qabadka dowladda Soomaaliya iyo arimaha u qorsheysan in ay wax ka qabato.

Qodobka 90 aad ee dastuurka qaranka ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu fareyaa in uu furo kalfadhiyada golaha shacabka, iyadoo kalfadhigan todobaad uu Baarlamaanka Soomaaliya uga dhigan yahay kalfadhigii ugu dambeeyay golaha, waxaana horey  soo mareen ilaa lix kalfadhi.

Sikastaba waxaa Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in uu sharciyo badan uu soo saaro maadaama waqtiga jiritaanka Baarlamaanka uu gabagabo  ku dhow yahay.


About KowtharMedia

Organic Theme is officially developed by Templatezy Team. We published High quality Blogger Templates with Awesome Design for blogspot lovers.The very first Blogger Templates Company where you will find Responsive Design Templates.

0 comments:

Post a Comment

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by