Wednesday, December 30, 2015

30 12 2015 War barlamaanka somalia oo ansixiyay minsaniyada 2014 kowthar

Read »

War Kulan mid ka mid ah beelaha dega koonfur galbed somaliya Kowthar hct...

Read »

*Daaawo marxaladaha kala duwan ee xaquuqda aadanaha somaliya''' Kowthar

Read »

Ardayda somaliyed oo dhameyste heerka 1aad ee Jamacada banadir Kowthar

Read »

‎Sanadkii‬ tagay Ee 2015 Kowthar ?

Alxamdulilah''''' Marka hore Alle ayey mahadi oo dhan u sugnaate intas kadib Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
‪#‎Sanadkii‬ tagay ee 2015 Waxaa ii qorsheysnaa inaan waxbadan oo isbedel ah sameeyo,
waxan ka xumahay in qorshaha aan lahaa qeybo kamid ah aynan ii suurto gelin,,anigoo hada rajeynayo inta harsan inaan hanto sanadka cusub ee 2016 insha'alah.
**Sanadkii tagay waxaa i garab taagnaa dad fara badan oo saameyn muuqata ku yeeshay Noloshayda dhinac walba oo ay ugu horeyso hooyadeyda macaan Dahabo Maxamud oo ah qofka kaliya ee bilowga Nolosheyda ilaa maanta la wadaago wax walba oo aan maanka ku hayo isla markana igu garabsiisa ''
Sidoo kale hooyo waa saxiib-ka dhabta ah oo aan ku leeyahay dunidan' ilaah cimri dheer iyo cafimad waara ha siiyo ‪#‎mom‬ Dahabo daad yarow. Aaamiin aamiin""
''''My dear mother is the light of my life'''
**Dadku kala ayaan roon,,''kala aqoon dheer kana asluub badan..
Waxaa kale oo jira asxaab-kale aan shaqo wadag nahay iyo barayaal oo aan aad u ixtiraamo una hayo xushmad gaar ahaaned oo aan ilaawi doonin '' kuwas ayaan kororsade wayo aragnimo shaqada ah iyo mida qoon ba,,
Run ahantii waxay ahaayen kuwa iila garab taagnaa dhiiro gelin Maskaxiyan islamarkana wax ka badalay hanaanka waxabarasho iyo kobcinta xirfadeyda shaqo,,waana kuwa sare iigu qaaday kalsoonideyda aqooneed.iyo middeyda shakhsiyadeed,, iyagoo weli laf dhabar u ah horumarkeyga.'''
‪#‎Gunaanad‬:waxaan idiin su'aalle ''' Horta yaa Abaal gala.. hadduu jirase yaa gudi?
Anigoo ah kowthar waxan sanadii tagay 2015 wax ka bartay dadku waxay nolasha ugu khasaaraan oo kala ah Afar (4) sababood awgeed-,,
1-Fursadaha deg dega ah ee hor taagan oo ay ka walaacaan..
2-cimriga macaankiisa oo ay wakhtigiisa ka faa'idaysan waayaan..
3-Aragti gaabni badan oo maskaxdoodu mar walba ay arkayso..
4-jaaniska uu ilahay u siyey inay caabudaan oo ay dayaceen..
hadaba Waligaa naftaada dhinaca wanaagsan ugu tali.
** ** **
Read »

Mogadishu -Somalia Kowthar

Read »

Tuesday, December 29, 2015

War Mowliid kowthar

Read »

Monday, December 28, 2015

Mogadishu allow Nabad iyo Cadaalad kowthar

Read »

Kowthar Media HEES QAALIYA,

Read »

Friday, December 25, 2015

25 12 2015 War Musharax cabdiraxman cadaw Gobollka hiiraan kowthar

Read »

Thursday, December 24, 2015

Allahayow hooyo daaa kowthar

Read »

War 22 12 2015 BANDHIG HIDAHA IYO DHAQANKA OO LAGU QATAY DEGMADA WARTA ...

Read »

War 02 12 2015 Xuska Dhalashada NABI MUXAMED CSW Muqdisho Kowthar

Read »

24 12 2015 Wareysi Wariye jirdil loogu geyste Gobolka Gedo

Read »

Wednesday, December 23, 2015

**CALANKU HOOYA WEYAAN KOWTHAR

**CALANKU HOOYA WEYAAN PLZ LIKE & SHARE

QOF HURDAA LAKICIYAA
RUUXA KULA HADLAAYEE 
HADANA MAQAN MAXAAD ORAN
HAYE YEELAY MOOYEE HADAL KALE
MAYEELEE???
Read »

Waa ciyaar lagu magacabo Batar-ka oo ka baxda ciyaarta seylici Kowthar

Read »

Monday, December 21, 2015

Kaluumeysatada Somaliyed oo ka shaqeysan la'a Ciidmada Midowga Afrika Ee...

''Dadkaan la hadlayo iyo dunidu waa kala Horaysaaye" Hadaba Kaluumeysatada Somaliyed oo ka shaqeysan la'a Ciidmada Midowga Afrika Ee Amisom
Read »

Sunday, December 20, 2015

Sanadguurada 72-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliska kow...

Read »

Saturday, December 19, 2015

Muqdisho= Kulan Baroor Diiq Ah Oo Loo Sameeyay Wariyayaal Kabaxay Horn C...

Read »

Friday, December 18, 2015

Madasha dhalinyarada somaliyed kowthar

Read »

Madasha dhalinyarada somaliyed kowthar

Read »

Madasha dhalinyarada somaliyed kowthar

Read »

Madasha dhalinyarada somaliyed kowthar

Read »

Thursday, December 17, 2015

Barnaamijka Muqdisho Iyo Maanta= Waraysi Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Ma...



Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Macadanta Iyo Batroolka Somali

Read »

Tuesday, December 15, 2015

Wadani xildhiban maxamed cabdi yusuf oo aragtidisa ku muujiye shirkii hi...

muujiyey
Read »

Sunday, December 13, 2015

13 12 2015 Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ka furmay Muqdisho ko...

Read »

Saturday, December 12, 2015

Daawo Muqaalkii 2aad socdaalkii Geedi Socodka Nabada Godin labe Kowthar

Read »

Friday, December 11, 2015

ISKU NAXARIISTA SI AAN IDINKU NAXARIISTO. Kowthar

Read »

Dareenka shacabka hctv kowthar

Read »

Dareenka shacabka hctv kowthar

Read »

*Daaawo marxaladaha kala duwan ee xaquuqda aadanaha somaliya''' Kowthar

Read »

Dhaqaatiirta Ummada u adeegi laheyd waa idinka Zakariye hurre Kowthar

Read »

30 11 2015 War Madaxweynah beeq dagaalada galkacyo Kowthar

Read »

Thursday, December 10, 2015

War 10 12 2015 Furitaanka Headadka Subaxnimo hctv kowthar

Read »

'Daawo Muuqaalkii 1aad socdaalkii Geedi Socodka Nabada Cadaado kowthar a...

Read »

Tuesday, December 8, 2015

***Allow Nabad Somaliya Guul iyo Gobonimo**Insha'alah kcc

Read »

Somalinimo dadka uga sareynaaa ""Guul Somali oo dhan''' Kowthar

Read »

Sunday, December 6, 2015

Da'yartaa la hadlayaaa imisa ayaa Kowthar elmi

Read »

*Hooyadu waa lama huraan'' kowthar abdirahman

Read »

Monday, November 30, 2015

Qeybta 2aaad Barnamij ka hadlaya Taariikh Nololeedka Xildhiban Mohamed O...

Read »

Qeybta 1aad Barnamij ka hadlaya Taariikh Nololeedka Xildhiban Mohamed Om...

Read »

Sunday, November 29, 2015

*Xamareey xaruntii dalkaa tahayee'''Xamareey xuduntii dadkaa tahay'''Kow...

Read »

Ardayda Jamacada Simad Ilaah ha idiin gar gaaro oo badal kheyr qabo ha i...

Read »

Saturday, November 28, 2015

War 28 11 2015 Kulan Wadatashi Dastuurka Urur Weynaha Shaqalaha Somaliye...

Read »

Friday, November 27, 2015

Alla naga gargaroo kasoo gudubnay wixii dhacay ''''' kowthar abdirahman''

Read »

27 11 2015 War Degmada Warta Nabada Muqdisho oo laga sameyey baaritaano ...

Read »

Thursday, November 26, 2015

Caruurtu waa ubaxa wadanka ""Waa hogaanka beri By Kowthar elmi (KCC)

Read »

Qodobada Warka hctv BY Studio Muqdisho Kowthar elmi (Kcc)

Read »

Qodobada Wararka Hctv Muqdisho Kowthar Abdirahman

Read »

War 22 11 2015 Gudoonka Baarlamanka oo dhageyte su'aal ay qabeen bulshad...

Read »

24 11 2015 Barnamijka Dareenka shacabka hctv ka qeybgalkii kowthar abdir...

Read »

Wednesday, November 25, 2015

Barnaamijka Muqdisho Iyo Maanta 18 11 2015 Kowthar Abdirahman

Read »

Barnaamijka Muqdisho Iyo Maanta 25 11 2015 Wariye kowthar abdirahman elmi

Read »

21 11 2015 Warka Shirka wadatashiga dastuurka xisbiysada siyaasadeed ee ...

Read »

Monday, November 23, 2015

23 11 2015 WAR GABO GABADA SHIRKA XEERKA XISBIYADA DALKA SOMALIYA KOWTHE...

Read »

Sunday, November 22, 2015

War 22 11 2015 Kormeer

Read »

Arday ka qaliln jabisay Jamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho kowthar ...

Read »

Friday, November 20, 2015

20 11 2015 War Gudomiyaha Gobolka degmada cabdicasiis Kowthar Abdirahman

Read »

Wednesday, November 18, 2015

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed Oo ku beegan 21 November 2015 Hambalyo ...

Read »

Barnamijka Darenka Shacabka Studio Hctv Londan ka qeyb galka Wariye kowthar

Read »

War 18 11 2015 Aragtiyo shacab ka dhiibteyn Xaduudka labada dalka somali...

Read »

17 11 2015 War Tacsi Geerida Wariye Axmed Cowke Kowthar

Read »

17 11 2015 War Tacsi Geerida Wariye Axmed Cowke Kowthar

Read »

Tuesday, November 17, 2015

War 12 11 2015 Maamulka Gobolka Banaadir Oo lagu soo dhaweyey degmada Xa...

Read »

13 11 2015 War Gobolka banadir Ex Xarunta Barlamanka kowthar Abdirahman

Read »

17 11 2015 War Geerida Wariye Axmed Xasan Cowke ' Kowthar

Read »

Sunday, November 15, 2015

Qudbadii Farmaajo ''waa muwadin dhab ah 'Guuleyso Mudane ''kowthar abdir...

Read »

28 03 2015 Warbixin kowthar liido iyo daljirka muqdisho wariye kowthar

Read »

22 04 2015 WAR BARAKAC MUQDISHO WARIYE KOWTHAR ABDIRAHMAN

Read »

25 06 2015 WAR JAMACADA SHIFA WARIYE KOWTHAR ABDIRAHMAN

Read »

16 02 2015 WAR ARDAY JAAMACADDA MUQDISHO KOWTHAR

Read »

11 04 2015 WAR BAAQ HOOYO SAAMAALIYEEDY KOWTHAR

Read »

10 06 2015 WAR QALIN JABIN ARDAYDA SCHOOLKA IMAAMU KOWTHAR

Read »

04 04 2015 WAR XIRITAANKA IDAACADA SHABEELE IYO WARIYE KALGACAL RADIO GO...

Read »

01 06 2015 JAMACADA MUQDISHO FARECEEDA BOSASO KOWTHAR

Read »

12 09 2015 War Caleemo saarka kismaayo Wariye Kowthar Abdirahman Elmi

Read »

Tuesday, November 10, 2015

GOOBJOOG FM 88.5 KOWTHAR ELMI

Read »

Sunday, November 8, 2015

Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha Dawlada Hoose

Read »

War 08 11 2015 Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdish...

Read »

07 11 2015 Warbixin dalxiis magalada muqdisho kowthar abdirahman

Read »

Friday, November 6, 2015

waan ku jeclahay hooyo waqtikasto adaan kuu hilooobaaa farxad ku noolow

**Jimco Wanaagsan asxaabteyda meelwalba oo aad joogtaan maanta oo kale waxaa idiin la wadaagaa muuqaal mudan '''bal todobaadkan ila dhageysata heestan *
**Hooyadu waa hubqaadka Noloshiyoooo iyo Furaha lagu gallo Janada
__Fadlan weligaa haka careysiin hooyo,
__Haku beerin wejigeeda Murugo hooyo,
__Hana ka tirin Farxada laabteeeda hooyo,,,
**waan ku jeclahay hooyo waqtikasto adaan kuu hilooobaaa farxad ku noolow 

Read »

Goobjoog Radio Wariye kowthar

Read »

Wednesday, November 4, 2015

Soomaalida jeebka qoyan waxaa ay si xad dhaaf ah wax ugu dhimeen sharaftii dadka danyarta ah,

  **Waaa Qoraal aan ku eegayo Dad ay dani hayso iyo Doqon uu jeebku qoyan yahay ,

   ^^Hadaba waa sidee hab dhaqanka dadka haysta dhaqaalaha oo u gafaya badanaaa dadka saboolka ah,?

***Dadka soomaaliyeed qaarkood ayaa qofka dhaqaalaha yar waxaa ay  ula dhaqmaan siyaabo kala gadisan, dadka qaarkood waaba ay dulaystaan, waxaana ay  ugu yeeraan magacyo kala gadisan, inkastoo ay jiraan dad badan oo soomaali ah oo xilkas ah oo garanaya danta jirta, ,

Waayaha aduunku waa is daba socdaan, qofwalbana si ayey ku  soo martaa, mana jiro qof uu ilaahay kala balamay dhaqaalo la,aan, iyo  qof waligiis ku waaraya dhaqaalo,

Qofka calooshiis la ciyaarka ahi  markii uu arko  qof danyar ah waxaa  uu u maleyaa in qofkaasi uu yahay qof nacas ah oo aan waligiisa alle waxba siin  doonin ,
asaguna waxaa uu isu arkaa inuu yahay  qof  waligiis ladnaan ku jiri doona,

Tusaale: kuwa calooshooda la ciyaarka ahi markii ay arkaan qof sabool ah waxaa ay u qaadataa in qofkaasu yahay qof habaaran oo ilaahay nacay, asaguna waxaa uu isu arkaa inay yahay qof uu ilaahay jecel yahay,

***waxaan aragnay dad badan oo soomaali ah oo ay hayso busaarada iyo dhaqaalo yari oo ay ku xadgudbayaan kuwa uu jeebkoodu qoyan yahay

sida muuqata dadkasi waxa ay aad u soo shaac baxeen  23kii sano oo ay ummadu ku dhacday dawlad la,aanta,

**Soomaalida jeebka qoyan waxaa ay si xad dhaaf ah wax ugu dhimeen sharaftii dadka danyarta ah,

Si kastaba ha ahaatee waxaan arkidoonaan haduu alle idmo kuwii shalay  danyarta ku kibri jiray oo sabool noqday, iyo kuwii shalay saboolka ahaa oo berri ladan,

Ugu danbayntii waxaa loo baahan yahay inuu qof waliba uu ka fogaado  kibirka iyo isqaadka foosha xun oo aan kor kusoo sheegnay,.
Read »

Tuesday, November 3, 2015

**Qiimaha hooyo waxaa garankara qof damiir leh ilovemom


                                   

                                                    Daaawasho  wacan :
   
                waa hees uu qaade al fanaan siidii cali winkey
Read »

Gudoomiyaha G Banaadir Oo Xilkii Kala Wareegay Gudoomiyihii Hore

Read »

Shir Wayne Ka Furmay Muqdisho

Read »

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Soo Xidhay Aqoon kororsi Muqdisho Ka...

Read »

Sunday, November 1, 2015

War 01 11 2015 Dhaawacyada qaraxii ka dhacay hotel saxafi muqdisho Wariy...

Read »

Geesigu ma dhinte wuu dhuunta alaha u naxaristo wadani naga baxay ,

 

Waxaan Hubaaa inaad geesi eheed Alle ha kuu naxariisto!!
waa marxum magac iyo xasus ku reebtay shacabka somaliyed.
**Muuqaalkan waxa uu ahaa mar Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal shaqo ku tagay Dagmadda Dayniile,waqtigaas oo ay gacanta Ciidanka Dowladda Somaliya Soo gashay,
Runtii Abaan Duule C/kariin Dhagabadan waxaa uu ahaa qof ay ka go'need shaqo aad u adag
**Madaxweyne Sh Shariif ayaa Dhagabadan Salaan u saaray
inta uu ka yaabay shaqadiisa isagoo marxuumkan alle ha u naxariistee ku jawaab celiyey Madaxweyne waad mahadsan tahay ee Salaanta daji.
Geesigu ma dhinte wuu dhuunta alaha u naxaristo wadani naga baxay ,
ALLAH U NAXARIISTO Qof nagu qaali ah ayuu ahaaa,
Dadkii uu ka tagay waxaan leeyahay samir iyo iimaan alle ha idiin ka siiyo isagana alle haka waraabiyo janada fardowso. Aaamiin


Read »

Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho

Inta Dhimatay Allaha u Naxaristo inta Dhawacantana allaha Bogsiyo wixii Dhici lahaa Waa Dhacen ----
Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa soo afjaray howl galkii mudada saacadaha badan qaatay ee ka socday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kadib markii saaka waabarigii hore dabley ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u gashay.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in goor dhow ay soo bandhigi doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka Hotelka Saxafi.
In ka badan 13-ruux ayaa ku dhintay weerarka, waxaa dadka ku dhintay ku jira Milkiilihii Hotelka oo Ganacsade caan ahaa C/rashiid Ilqeyte, Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen, C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo la sheegay inuu la dagaalamayay dableyda, iyo xildhibaan Abtidoon.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay weerarka Jen. Gacma-Duule oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milateriga iyo dad kale oo Hotelka degenaa.
Wariye u shaqeynayay Idaacada Shabelle, isla markaana Cameraman u ahaa Al-Jazeera uu ka yiraahdo Mustafa Safaana ayaa ku dhintay, halka sawir qaade u shaqeynayay Wakaalada wararka ee Reuters oo la yiraahdo Feysal uu ku dhaawacmay qaraxii labaad.
In ka badan labaatameeyo ruux ayaa la dhigay Isbitaalada Muqdisho, kuwaasoo dhaawacyadooda ay isugu jiraan kuwo culuw iyo kuwa fudud.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan in la soo bad baadiyay Xildhibaano iyo siyaasiyiin degenaa Hotelka, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Suuri iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Hotelka Saxafi ayaa qeyb ahaan bur buray, waxaana goobta laga dareemayaa bur burkii baabuurtii ku qaraxday iyo saameynta qaraxa, waxaana gaariga qaraxa lagu fuliyay la sheegay inuu ahaa gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay









Read »

6:45 AM Muqdisho Maxaa Ka Dhacay?

Qarax xoogan ayaa abaarihii 6:45 subaxnimo lala eegtay Hotelka Saxafi Hotel oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.




Warar kala duwan ayaa illaa iyo hada ka soo baxaya,
iyadoo qaraxa uu ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo is-miidaamin ahaa oo la beegsaday albaabka hore ee Hotelka.
Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas u dhaxeysay kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada Hotelka, iyadoo dableyda hubeysan gudaha u galeen sida wararku ay sheegayaan.
Waxaana daqiiqado ka hor la maqlay qarax labaad oo gaari yaallay agagaarka Hotelka
Wararka hadda la helayo ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhinteyn dad badan oo uu kamid yahay Milkiilaha hotel saxafi ahaana gudomiyaha rugta ganacsiga cabdirashiid ilqeyte iyo Jeneraal C/kariin Dhaga badan ,,Xildhibaan abtidoon oo dadku qaar ay u yaqaanaan koofi shabaq halka ay ku dhaawac meyn tiro aad u badan oo isugu jira shacabka,,masuuliyiin xilal ka haya dowlada iyo dagaalamayaasha
Warar kale ayaa tilmaamaya in sawir qaadayaal ka tirsan bahda Saxaafadda ay wax ku noqdeen
Al-Shabaab ayaa durbaba sheegtay weerarkan, war la soo dhigay baraha internet-ka ee taageera ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay la wareegeen Hotelka Saxafi
Read »

Saturday, October 31, 2015

29 10 2015 KULANKA GOLAHA WAZIIRADA KOWTHER

Read »

War 31 10 2015 kulan beesha jijeyle oo dagta deegaanada Gobolka Hiiraan ...

Read »

31 10 2015 WAR KORMEERKA GUDOOMIYAHA CUSUB GOBOLKA BAANADIR KOWTHER

Read »

Waa iska xaal aduun Waqtiga ayaa qof walbo ka hiiliye Marna u hiiliya .


*Waa iska xaal aduun waqtiga ayaa qof walbo ka hiiliye Marna u hiiliya .

''Muuqaalkan waa Ra'izulwasarihii hore ee somaliya oo maalintan ka warbixinayey waxyabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay xukumadiisa.

**waxaa kale oo aan xasuustaa in maalin_kan ay aheed maalin shacabka muqdisho ay ku diirsadeyn Raxmada Alle
**Marka uu

na dultaagan yahay masuulku waxaa ina dhexmaray    
kaftan iyo hadalo qiimo badan oo si gaaar ahaaned uu ula wadaagayey Gabdhaha wariyasha ee waqtigas ka qeybgalay kulankaas.


FG" Dhanka midig waa Seynab abuukar iyo Xamdi billo ''Dhexduna waa aniga oo kowthar ah dhanka bidix-na waa Nimco process
Read »

War 14 10 2015 Isbitaalka dr osman fiqi Muqdisho Wariye Kowthar Abdirahm...

Read »

Friday, October 30, 2015

war la'aani waa dhego laaan.





   ****
war la'aani waa dhego laaan.
    wax is waydiintu ma xumee wax is waydaarsigaa xun.
     Ninkii talin jiray na hadduu tagay, midaan talin jirin baa yimaada.
**Mootadaan sadexda lugoodleyda oo looyaqaano Bajaaj ayaa waxaa ay halkiimar qaadaa sadex qofood waxaana qofka looga kireeyaa qiime aad u  jaban
Read »

26 10 2015 War Xildhibaanno Kasoo Jeda Gobalada Waqoyi Oo Kahor Yimid Wa...

Read »

Waa hees aan jeclahay hooyoy la'antaa adunka lama noladen allow ku xafid...




**Jimco wanagsan asxaabteyda maanta waxaan jeclahay inaad ila dhageysatan heestan oo aan fadhiga uga kaco marka aan maqlo Al fanaan Ahmed daahir oo ku luuqeeyey**
**hooyoy la antaa adunka lama noladen allow ku xafid aduun iyo aaqiro Aamin
                  *****Ana waxaa ku dari lahaaa
_____Hooyoy hibadii aduunkaaaay
_____Hagihii caruurtaaaay
_____Hogaankii wanagaaay
_____Hilaaci aqoontaaay
_____Hanuunki cilmigaa iyo
_____Hufihii samantaaay

_____Markii aan hadaaqiyooooo
Read »

Thursday, October 29, 2015

War 22 10 2015 Waasarada Batarolka iyo Macdanta Somaliya Wariye kowthar

Read »

29 10 2015 Sagootin Maamulkii hore ee Gobolka Banadir Mungaab Wariye Kow...

Read »

Wednesday, October 28, 2015

28 10 2015 Barnamijka muqdisho iyo maanta oo loga hadlay Waxqabadka Maaamulka Gobolka Banadir

Read »

28 10 2015 Warka baarlamanka somaliya kala fadhiga 7aad kowthar

Read »

War 27 10 2015 shacabka oo ka hadlay isbedelka gobolka banadir WARIYE KO...

Read »

Tuesday, October 27, 2015

Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale

Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo in muddo ah Qaahira ku noolaa, waxna ku soo bartay Masar ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho, Xilkaas oo laga qaaday Muungaab.
Sheikh Yuusuf, waxaa la bartay doorashadii Xasan Sheekh, Xilligii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, Sheikh Jimcaale waxaa uu hogaamiyaney Ololaha isagoo si rasmi ah ula hadli jiray Idaacadaha iyo guud ahaan Warbaahinta.
Xibsiga Madaxweynaha ee Peace and Development Party(PDP) waxaa uu Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ka ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga .
Intii uu Xisbiga u ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga isaga iyo Mas’uuliyiin badan oo xisbiga ka tirsan waxaa ay tababaro iyo iskaashiyo kala la yeesheen Xibsiga haya talada wadanka Turkiga ee AK Party.
Sheikh Yuusuf waxaa jagadan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa horay u codsaday markii la doortay Madaxweynahe Xasan Sheekh September 2012kii, Lakin jagada waxaa uga hormaray Maxamuud Axmed Nuur-Baadi oo loo yaqaan Tarzan oo jagadaasi sii hayey min July 13, 2010kii oo aheyd Xasan Sheekh ka hor iyo Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo loo Magacaabay duqa Magalaada iyo Guddoomiyaha gobolka February 27, 2014.
Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu kasoo jeeda gobolkan Banaadir, wixii ka dambeeyay 1998dii, waxaa uu degan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo ilaa iyo hadda qoyskiisa ku noolyihiin.
Waxbarasho waxaa uu ku jiray dalka Masar intii u dhaxeysay 1999-2006, isagoo ka bilaabay dugsiga dhexe ee Azhar, kadibna dhameystay 3-da sano ee dugsiga sare ee Isla Taanawiga ama dugsiga sare ee Azhar.
Waxaa kaloo uu qalin jabiyay Jaamacadda Furan ee Mareykanka ee dalka Masar(American Open University in Cairo)2006-dii, isagoo ku taqasusay Shareecada Islaamka.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu aad ugu dhawaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa isagoo noqday Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga ., waxaa uu horkici jiray dibad baxyada lagu taageerayo murashaxnimada.
Ardeydii la daganeyd muddo dheer Degmada ardayda ee Madiinat El-Bucuus Al-islaamiya eeAl-Azhar ama dadkii ku yaqaanay Radiyaha Umadda waxaa ay sheegeen in uu ahaa nin degan oo aan hadal badneyn.
Magaalada Muqdisho oo Sheekh Yusuf Mas’uul looga dhigay waxaa degan in ka badan 2 Milyan oo qof, adeegyada ay u baahan tahay tirada ayey ka bateen, waxaa hubaal ah in magaaladan u baahan tahay qof hadal yar oo howl badan.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa maanta October 26, 2015 loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho
Read »

Sunday, October 25, 2015

War 18 10 2015 P RA'IZUL WASARAHA SOMALIA OO SOO DHAWEEYEY

Read »

Shirka oo si wadajir ah looga soo saaray War Murtiyeed.








   Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka.

Waxaa kasoo baxay qodobo xaasaasi ah oo la isku mari la'yahay oo ay jiraan dadaallo lagu doonaya in afgarad laga gaaro.
Beesha caalamka ayaa ku dhiirigelineysa madaxda Soomalida inay u diyaar garoobaan doorashooyin ka dhaca Soomaliya sanadka 2016-ka.


Read »

Kalfadhiga 7aad todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta 25 10 2015 si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho

** Kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta  25 10 2015  si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabaka.



 Furitaanka waxaa ka qeybagalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka  iyo inta badan xubnaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furitaanka kalfadhiga todobaad ee golaha shacabka ka jeediyo khudad dastuuri ah oo uu kaga hadli doono wax qabadka dowladda Soomaaliya iyo arimaha u qorsheysan in ay wax ka qabato.

Qodobka 90 aad ee dastuurka qaranka ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu fareyaa in uu furo kalfadhiyada golaha shacabka, iyadoo kalfadhigan todobaad uu Baarlamaanka Soomaaliya uga dhigan yahay kalfadhigii ugu dambeeyay golaha, waxaana horey  soo mareen ilaa lix kalfadhi.

Sikastaba waxaa Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in uu sharciyo badan uu soo saaro maadaama waqtiga jiritaanka Baarlamaanka uu gabagabo  ku dhow yahay.


Read »

Friday, October 23, 2015

aduunyo hal baan lahaa Oo hashii horror baa la tagay by kowthar abdirahman

Read »

Shaqo la’aantuna waa mida keenta in uu ruuxa Bini adamka uu ka walwalo halka ay ku dambeyn doonto naftiisa iyo mida qoskiisaba


  Dadka horumaray oo Magac,Sharaf iyo Karaamo ku leh bulshada dhexdeeda ayaa ah dadka shaqeystay oo ka faaideystay waqtigooda,,

Ruuxa shaqeeyo waxa uu leeyahay niyad wanaagsan waayo waxa uu heystaa jadwal toos ah oo uu ku dhaqaaqo taasina waa mida ugu wanagsan nolosheena'''''
Muqdisho dhalinta ku nool ayaa ah intooda badan shaqo la’aan

shaqa la’aantuna waa mida keenta in uu ruuxa Bini adamka ah aad uga walwalo halka ay ku dambeyn doonto naftiisa iyo mida qoskiisaba .-

Dadka reer Muqdisho waxa ay aaminsan yihin qofkii hela shaqo in uu ka dambeeyo dadaal iyo juhdi oo uu qofka geliyay helida shaqada halka inkale ay rumeysanyihiin in ay u suuro gelisay garab ama caawinaad xaga reerka ama qaraabada ah .?? 
Read »

Sanadwalbo bilaha Maaj iyo Apriil waxaa bilowda jawi aad u kulul



    Mehradaha ganacsi ee ku yaala Gobolka banadir ayaa maalmahan laga dareemayaa mashquul badan

waxaana ugu wacan kuleelka ka jira guud ahaan magalada muqdisho hadabaa halkan ka daawo warbixin aan kaga hadleyno
sameynta bulshada uu ku yeeshe xiliyada kuleelaha 
Read »

wax yaabo badan oo aadan ogeyn oo ku soo kordhay horumarka ka socda wadanka.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa si xowli ah ugu soo badanaya Horumar aad u balaaran
kuwaas oo isugu jira Ganacsi & Dib u dhis dhanka bilicda Magaalada.
Daawade ma is dhaheysaa Muqdisho ayaa Ganacsi nuucaan ka jira oo aan horumarka ganacsiga nuucaani ah aysan ka jirin wadamo badan oo caalamka ka mid ah.
Hadaba nala daawo muuqaalkani ku tusinaya
wax yaabo badan oo aadan ogeyn oo ku soo kordhay horumarka ka socda wadanka.


Read »

xirfado kala duwan oo la baro haweenka somaliyed?


xirfado kala duwan oo la baro haweenka somaliyed waxa ay sahli kartaan in ay wax ku qabsadaan si ay u maareeyaan nolosha qoyskooda.
halkan waa xarunta degmada warta nabadda ee muqdisho

waa madal ay usoo hirtaan haweenka ku nool xafadaha ay ka koobantahay degmadasi iyagoo usoo xaadira si ay uga faa’ideystaan tababaro la xiriira toliinka xarqaanka iwm oo uu hirgeliyey maamulka degmada Warta Nabadda Mudane Yasiin Nuur Ciise
Read »

Somaliya maxey dhibane ugu tahay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan!!.


Somaliya maxey dhibane ugu tahay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan!!.

Geeridu waa xaq waana mid ina sugaysa dhammaanteenba ,inkasta oo saacadda la qaban doono qof ogi aanu jirin.


"""Haddana waa wax aynu wada filayno oo qof diidani aanu jirin"""
Read »

**Taariikhdu ma xusto qofaan wadani dhaba ahayn!!

Alow ducada Naga aqbal Calankeyga nuurow alahayow Ku nabad yeel
''''ilin ayaa iga timaada markaan ereyadaas maqlo ciil badanaa'''


 ***Allow Nabad Somaliya Guul iyo Gobonimo**
Read »

Jimco Mubarak

Dhamaan asxaabta aan jeclahay  Jimco mubarak

  **Midnimadu waa horumar,Miraheeduna aad bey u macaan yihiin.sida  nolol, wada noolaanshiyo, iyo iscafin.'''' 


--Fadlan  Ka shaqeey Wanaaga iyo Mideynta dadka.

     Ka baro cashar dadka kaa horreeya iyo umadaha horumaray.


  ****Isbaddal naftaada ku sameey****
Read »

Wednesday, October 21, 2015

Dugsi malaha qabyaaladu



Dugsi malaha qabyaaladu waxay dumiso mooyaanee'
Read »

Haweenka somaliyed oo kaalin muhiim ah ka galay arimaha siyaasadda iyo dhaqanka.

Haweenka somaliyeed waxay ku lug leeyihiin dhinacyada kala duwan ee arrimaha bulshadooda. Waxayna xubno firfircoon ka yihiin bulshadooda, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo dhaqanka. waana dumarka laf-dhabarka ummada somaliyed” A
lle ha dhowro hooyooyinka somaliyed ''' Guuleysta'' '

waa xildhibaanad ka tirsan mudanayaasha baarlamanka Galmudug.
Read »

MAAMO SOMALIYEED OO KA WADA ILMEEYSIISAY MUWAADINIIN SOMALIYED


DAAWO : MAAMO SOMALIYEED OO KA WADA ILMEEYSIISAY MUWAADINIIN SOMALIYED OO KA QEYB GALAY XAFLAD SI HEER SARE LOO SOO AGAASIME OO LAGU QABTE MAGALADA MUQDISHO''
'''''ALLOW DHOWR WADANIGA DHABTA AH LIKE MOTHER
Read »

21-ka Octobar, maalintii ‪Kacaanka


21-ka Octobar, maalintii Kacaanka, umadda Soomaaliyeed waxay lahayd dhaqan iyo maalmo uga duwan kuwa kale oo ay dunida ku leeyihiin, Madaxdii iyo halgamayaashii dhintay waxan leeyahay Ilaah ha u raxmado sida Jaalle_Maxamed_Siyaad_Barre ''''''Soomaaliya ha noolaato''''
Read »

Maxaad ka xasuusata 21 Octoobar

Maanta ayaa waxeey ku beegantahay 21 october waana Sanadguuradii 45aad ee ka soo wareegatay Kacaankii barakeeysnaa ee uu talada Dalka kula wareegay allha unaxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka,  Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke.
Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah  ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21-  sano.
Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikho badan ayaa noo sheegay  in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen.
Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.
Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.
Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxay aheyd maalin farxadeed oo loo dabaaldegi jiray xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, waxaa la sameyn jiray dabaaldegyo arintaasi la xiriira , kaasoo uu ugu weynaa kii ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray,



marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay
Read »

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by