Saturday, October 31, 2015

29 10 2015 KULANKA GOLAHA WAZIIRADA KOWTHER

Read »

War 31 10 2015 kulan beesha jijeyle oo dagta deegaanada Gobolka Hiiraan ...

Read »

31 10 2015 WAR KORMEERKA GUDOOMIYAHA CUSUB GOBOLKA BAANADIR KOWTHER

Read »

Waa iska xaal aduun Waqtiga ayaa qof walbo ka hiiliye Marna u hiiliya .


*Waa iska xaal aduun waqtiga ayaa qof walbo ka hiiliye Marna u hiiliya .

''Muuqaalkan waa Ra'izulwasarihii hore ee somaliya oo maalintan ka warbixinayey waxyabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay xukumadiisa.

**waxaa kale oo aan xasuustaa in maalin_kan ay aheed maalin shacabka muqdisho ay ku diirsadeyn Raxmada Alle
**Marka uu

na dultaagan yahay masuulku waxaa ina dhexmaray    
kaftan iyo hadalo qiimo badan oo si gaaar ahaaned uu ula wadaagayey Gabdhaha wariyasha ee waqtigas ka qeybgalay kulankaas.


FG" Dhanka midig waa Seynab abuukar iyo Xamdi billo ''Dhexduna waa aniga oo kowthar ah dhanka bidix-na waa Nimco process
Read »

War 14 10 2015 Isbitaalka dr osman fiqi Muqdisho Wariye Kowthar Abdirahm...

Read »

Friday, October 30, 2015

war la'aani waa dhego laaan.





   ****
war la'aani waa dhego laaan.
    wax is waydiintu ma xumee wax is waydaarsigaa xun.
     Ninkii talin jiray na hadduu tagay, midaan talin jirin baa yimaada.
**Mootadaan sadexda lugoodleyda oo looyaqaano Bajaaj ayaa waxaa ay halkiimar qaadaa sadex qofood waxaana qofka looga kireeyaa qiime aad u  jaban
Read »

26 10 2015 War Xildhibaanno Kasoo Jeda Gobalada Waqoyi Oo Kahor Yimid Wa...

Read »

Waa hees aan jeclahay hooyoy la'antaa adunka lama noladen allow ku xafid...




**Jimco wanagsan asxaabteyda maanta waxaan jeclahay inaad ila dhageysatan heestan oo aan fadhiga uga kaco marka aan maqlo Al fanaan Ahmed daahir oo ku luuqeeyey**
**hooyoy la antaa adunka lama noladen allow ku xafid aduun iyo aaqiro Aamin
                  *****Ana waxaa ku dari lahaaa
_____Hooyoy hibadii aduunkaaaay
_____Hagihii caruurtaaaay
_____Hogaankii wanagaaay
_____Hilaaci aqoontaaay
_____Hanuunki cilmigaa iyo
_____Hufihii samantaaay

_____Markii aan hadaaqiyooooo
Read »

Thursday, October 29, 2015

War 22 10 2015 Waasarada Batarolka iyo Macdanta Somaliya Wariye kowthar

Read »

29 10 2015 Sagootin Maamulkii hore ee Gobolka Banadir Mungaab Wariye Kow...

Read »

Wednesday, October 28, 2015

28 10 2015 Barnamijka muqdisho iyo maanta oo loga hadlay Waxqabadka Maaamulka Gobolka Banadir

Read »

28 10 2015 Warka baarlamanka somaliya kala fadhiga 7aad kowthar

Read »

War 27 10 2015 shacabka oo ka hadlay isbedelka gobolka banadir WARIYE KO...

Read »

Tuesday, October 27, 2015

Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale

Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo in muddo ah Qaahira ku noolaa, waxna ku soo bartay Masar ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho, Xilkaas oo laga qaaday Muungaab.
Sheikh Yuusuf, waxaa la bartay doorashadii Xasan Sheekh, Xilligii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, Sheikh Jimcaale waxaa uu hogaamiyaney Ololaha isagoo si rasmi ah ula hadli jiray Idaacadaha iyo guud ahaan Warbaahinta.
Xibsiga Madaxweynaha ee Peace and Development Party(PDP) waxaa uu Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ka ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga .
Intii uu Xisbiga u ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga isaga iyo Mas’uuliyiin badan oo xisbiga ka tirsan waxaa ay tababaro iyo iskaashiyo kala la yeesheen Xibsiga haya talada wadanka Turkiga ee AK Party.
Sheikh Yuusuf waxaa jagadan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa horay u codsaday markii la doortay Madaxweynahe Xasan Sheekh September 2012kii, Lakin jagada waxaa uga hormaray Maxamuud Axmed Nuur-Baadi oo loo yaqaan Tarzan oo jagadaasi sii hayey min July 13, 2010kii oo aheyd Xasan Sheekh ka hor iyo Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo loo Magacaabay duqa Magalaada iyo Guddoomiyaha gobolka February 27, 2014.
Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu kasoo jeeda gobolkan Banaadir, wixii ka dambeeyay 1998dii, waxaa uu degan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo ilaa iyo hadda qoyskiisa ku noolyihiin.
Waxbarasho waxaa uu ku jiray dalka Masar intii u dhaxeysay 1999-2006, isagoo ka bilaabay dugsiga dhexe ee Azhar, kadibna dhameystay 3-da sano ee dugsiga sare ee Isla Taanawiga ama dugsiga sare ee Azhar.
Waxaa kaloo uu qalin jabiyay Jaamacadda Furan ee Mareykanka ee dalka Masar(American Open University in Cairo)2006-dii, isagoo ku taqasusay Shareecada Islaamka.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu aad ugu dhawaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa isagoo noqday Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga ., waxaa uu horkici jiray dibad baxyada lagu taageerayo murashaxnimada.
Ardeydii la daganeyd muddo dheer Degmada ardayda ee Madiinat El-Bucuus Al-islaamiya eeAl-Azhar ama dadkii ku yaqaanay Radiyaha Umadda waxaa ay sheegeen in uu ahaa nin degan oo aan hadal badneyn.
Magaalada Muqdisho oo Sheekh Yusuf Mas’uul looga dhigay waxaa degan in ka badan 2 Milyan oo qof, adeegyada ay u baahan tahay tirada ayey ka bateen, waxaa hubaal ah in magaaladan u baahan tahay qof hadal yar oo howl badan.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa maanta October 26, 2015 loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho
Read »

Sunday, October 25, 2015

War 18 10 2015 P RA'IZUL WASARAHA SOMALIA OO SOO DHAWEEYEY

Read »

Shirka oo si wadajir ah looga soo saaray War Murtiyeed.








   Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka.

Waxaa kasoo baxay qodobo xaasaasi ah oo la isku mari la'yahay oo ay jiraan dadaallo lagu doonaya in afgarad laga gaaro.
Beesha caalamka ayaa ku dhiirigelineysa madaxda Soomalida inay u diyaar garoobaan doorashooyin ka dhaca Soomaliya sanadka 2016-ka.


Read »

Kalfadhiga 7aad todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta 25 10 2015 si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho

** Kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta  25 10 2015  si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabaka.



 Furitaanka waxaa ka qeybagalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka  iyo inta badan xubnaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furitaanka kalfadhiga todobaad ee golaha shacabka ka jeediyo khudad dastuuri ah oo uu kaga hadli doono wax qabadka dowladda Soomaaliya iyo arimaha u qorsheysan in ay wax ka qabato.

Qodobka 90 aad ee dastuurka qaranka ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu fareyaa in uu furo kalfadhiyada golaha shacabka, iyadoo kalfadhigan todobaad uu Baarlamaanka Soomaaliya uga dhigan yahay kalfadhigii ugu dambeeyay golaha, waxaana horey  soo mareen ilaa lix kalfadhi.

Sikastaba waxaa Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in uu sharciyo badan uu soo saaro maadaama waqtiga jiritaanka Baarlamaanka uu gabagabo  ku dhow yahay.


Read »

Friday, October 23, 2015

aduunyo hal baan lahaa Oo hashii horror baa la tagay by kowthar abdirahman

Read »

Shaqo la’aantuna waa mida keenta in uu ruuxa Bini adamka uu ka walwalo halka ay ku dambeyn doonto naftiisa iyo mida qoskiisaba


  Dadka horumaray oo Magac,Sharaf iyo Karaamo ku leh bulshada dhexdeeda ayaa ah dadka shaqeystay oo ka faaideystay waqtigooda,,

Ruuxa shaqeeyo waxa uu leeyahay niyad wanaagsan waayo waxa uu heystaa jadwal toos ah oo uu ku dhaqaaqo taasina waa mida ugu wanagsan nolosheena'''''
Muqdisho dhalinta ku nool ayaa ah intooda badan shaqo la’aan

shaqa la’aantuna waa mida keenta in uu ruuxa Bini adamka ah aad uga walwalo halka ay ku dambeyn doonto naftiisa iyo mida qoskiisaba .-

Dadka reer Muqdisho waxa ay aaminsan yihin qofkii hela shaqo in uu ka dambeeyo dadaal iyo juhdi oo uu qofka geliyay helida shaqada halka inkale ay rumeysanyihiin in ay u suuro gelisay garab ama caawinaad xaga reerka ama qaraabada ah .?? 
Read »

Sanadwalbo bilaha Maaj iyo Apriil waxaa bilowda jawi aad u kulul



    Mehradaha ganacsi ee ku yaala Gobolka banadir ayaa maalmahan laga dareemayaa mashquul badan

waxaana ugu wacan kuleelka ka jira guud ahaan magalada muqdisho hadabaa halkan ka daawo warbixin aan kaga hadleyno
sameynta bulshada uu ku yeeshe xiliyada kuleelaha 
Read »

wax yaabo badan oo aadan ogeyn oo ku soo kordhay horumarka ka socda wadanka.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa si xowli ah ugu soo badanaya Horumar aad u balaaran
kuwaas oo isugu jira Ganacsi & Dib u dhis dhanka bilicda Magaalada.
Daawade ma is dhaheysaa Muqdisho ayaa Ganacsi nuucaan ka jira oo aan horumarka ganacsiga nuucaani ah aysan ka jirin wadamo badan oo caalamka ka mid ah.
Hadaba nala daawo muuqaalkani ku tusinaya
wax yaabo badan oo aadan ogeyn oo ku soo kordhay horumarka ka socda wadanka.


Read »

xirfado kala duwan oo la baro haweenka somaliyed?


xirfado kala duwan oo la baro haweenka somaliyed waxa ay sahli kartaan in ay wax ku qabsadaan si ay u maareeyaan nolosha qoyskooda.
halkan waa xarunta degmada warta nabadda ee muqdisho

waa madal ay usoo hirtaan haweenka ku nool xafadaha ay ka koobantahay degmadasi iyagoo usoo xaadira si ay uga faa’ideystaan tababaro la xiriira toliinka xarqaanka iwm oo uu hirgeliyey maamulka degmada Warta Nabadda Mudane Yasiin Nuur Ciise
Read »

Somaliya maxey dhibane ugu tahay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan!!.


Somaliya maxey dhibane ugu tahay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan!!.

Geeridu waa xaq waana mid ina sugaysa dhammaanteenba ,inkasta oo saacadda la qaban doono qof ogi aanu jirin.


"""Haddana waa wax aynu wada filayno oo qof diidani aanu jirin"""
Read »

**Taariikhdu ma xusto qofaan wadani dhaba ahayn!!

Alow ducada Naga aqbal Calankeyga nuurow alahayow Ku nabad yeel
''''ilin ayaa iga timaada markaan ereyadaas maqlo ciil badanaa'''


 ***Allow Nabad Somaliya Guul iyo Gobonimo**
Read »

Jimco Mubarak

Dhamaan asxaabta aan jeclahay  Jimco mubarak

  **Midnimadu waa horumar,Miraheeduna aad bey u macaan yihiin.sida  nolol, wada noolaanshiyo, iyo iscafin.'''' 


--Fadlan  Ka shaqeey Wanaaga iyo Mideynta dadka.

     Ka baro cashar dadka kaa horreeya iyo umadaha horumaray.


  ****Isbaddal naftaada ku sameey****
Read »

Wednesday, October 21, 2015

Dugsi malaha qabyaaladu



Dugsi malaha qabyaaladu waxay dumiso mooyaanee'
Read »

Haweenka somaliyed oo kaalin muhiim ah ka galay arimaha siyaasadda iyo dhaqanka.

Haweenka somaliyeed waxay ku lug leeyihiin dhinacyada kala duwan ee arrimaha bulshadooda. Waxayna xubno firfircoon ka yihiin bulshadooda, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo dhaqanka. waana dumarka laf-dhabarka ummada somaliyed” A
lle ha dhowro hooyooyinka somaliyed ''' Guuleysta'' '

waa xildhibaanad ka tirsan mudanayaasha baarlamanka Galmudug.
Read »

MAAMO SOMALIYEED OO KA WADA ILMEEYSIISAY MUWAADINIIN SOMALIYED


DAAWO : MAAMO SOMALIYEED OO KA WADA ILMEEYSIISAY MUWAADINIIN SOMALIYED OO KA QEYB GALAY XAFLAD SI HEER SARE LOO SOO AGAASIME OO LAGU QABTE MAGALADA MUQDISHO''
'''''ALLOW DHOWR WADANIGA DHABTA AH LIKE MOTHER
Read »

21-ka Octobar, maalintii ‪Kacaanka


21-ka Octobar, maalintii Kacaanka, umadda Soomaaliyeed waxay lahayd dhaqan iyo maalmo uga duwan kuwa kale oo ay dunida ku leeyihiin, Madaxdii iyo halgamayaashii dhintay waxan leeyahay Ilaah ha u raxmado sida Jaalle_Maxamed_Siyaad_Barre ''''''Soomaaliya ha noolaato''''
Read »

Maxaad ka xasuusata 21 Octoobar

Maanta ayaa waxeey ku beegantahay 21 october waana Sanadguuradii 45aad ee ka soo wareegatay Kacaankii barakeeysnaa ee uu talada Dalka kula wareegay allha unaxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka,  Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke.
Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah  ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21-  sano.
Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikho badan ayaa noo sheegay  in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen.
Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.
Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.
Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxay aheyd maalin farxadeed oo loo dabaaldegi jiray xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, waxaa la sameyn jiray dabaaldegyo arintaasi la xiriira , kaasoo uu ugu weynaa kii ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray,



marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay
Read »

Monday, October 19, 2015

Damaashaad Beerta Nabad Ee Magalada Casimada Muqdisho


Muuqaalka qurux badan beerta nabada ee magaalada muqdisho oo dib u habayn balaaran  lagu sameeyey iyo marti gelinta dhalinyaro badan oo ka yimaada degmooyinka gobolka banadir kuwaas oo halkan usoo dalxiis tago isla markaana ku nasato xiliyada qaboobaha sida subaxi iyo Galabtii  ''Alxamdulilah
Read »

Saxafadu waa seef labo afle ah oo marba dhan loo adeegsado samaan iyo wanaag intaba



 Xarigii loo geyste wariyaashii ka tirsanaa tv-ga Universal ayaa noqde mid soo jiita beesha caalamka
Read »

Madaxdu waa in ay ilaaliyaan cadaaladda iyo hab maamulka bulshadooda


Mungaab waxa uu yiri '''' Ma jirto Wasaarad Xaq U leh in ay Waddo Xirto ama Fasaxdo ''' 
    Bal halkan ka daawo
Read »

Macalinku waa furaha Nolosha

     

  Rugcadaa Saxaafadeed Faarax Cumar waa macalinkeyga ,waa macalinkiina waa macalinkaaga .. ilaah ha inoo deysto Aamiin ''' 
  
 Waa macalin jecel ardaydiisa oo had iyo jeer ku dhex jira warbahinada dalka isla markaana nala wadaaga dhiiro gelinta dhanka horumarka warbahined
  
aniga iyo saxiibada kale waxaa ka kororsane aqoon iyo waayo aragnimo dhanka warbahinta 
  '''ilaah ha inoo xafido ''

Read »

*Sareeyoo ma nusqaamoow aan siduu yahay eego e kaana Siib Kanna Saar'


     
       wax ka barro taariiqda Calanka somaliyeed adigoo qaadanaya nuxurka barnamijkan
Read »

19 10 2015 War Jaamacada Salaam Wariye kowthar abdirahman

Read »

Ma u aragtaa in Nabadu ay tahay danta Ummadda Somaliyed

Nabadu waa u muhiim bulshada hadana waa dahab mudan in la doorto waana Danta Ummadda Somaliyed  hadaba waa maxay  Colaadu?  hoos ka daalaco qormo yar aan kaga hadlaya :

Labada magac guud ee “Nabad iyo colaad” waa kuwo aad u da’ wayn, lana kowsaday jiritaanka aadanaha. Ka hor intaan taariikhda la qorin, xilli-taariikheedyada loo yaqaanno “Waayadii arahsiga” iyo “Waayadii ugaadhsiga” dadka waa ay dhexmari jireen colaad iyo nabad labaduba, balse hadba midka ay doortaan labada qolo ee is haysaa, ayay dhaqayadeed maali jireen. 

Kuwa colaadda doorta, waxay u badnayd, in ay labaduba tirtirmaan ama in midkood la jabiyo oo la gumeeyo. Kuwa nabadda doorta, waxay u badnayd, in labaduba badhaadhaan oo nabad ku wada noolaadaan. Waayahaas, aaladaha iyo xeeladaha dagaal ee la adeegsan jiray waxay ahaayeen kuwo waxyeeladoodu aad u yar tahay, 

Read »

Ra'izulwasaraha Somaliya oo yiri ""Halkan waa hoygii aan kusoo barbaaray lkn hadda xil adag ayaan hayaa



     Daawo Raizelwasaraha somaliya oo booqde mowlaca muxudiin celi
Read »

Manta waa waxbarasho, Berri na Waa Abaal Marin


***Manta waa waxbarasho, Berina Waa Abaal Marin,
hadaba waxbaro oo masraxa jaamiciyiinta kusoo biir''

Maanta waxaa ka qeyb galay xaflad balaaran oo ay ku qalin jabinayen walaalaheyga Marwaan Mayow iyo Ismaciil Cumar Muqtaar Orange oo kamid ah bahda warbahinta somalia
'''Guuleysta Dadaalkana Halkaas ka sii wada waad gaaridoontaan'' insha'alah



**Inta aan ku sugnaa madasha waxaa iiga baxay in Waxbarashada Somalida ay sii korortay mudooyinkii dambe, iyadoo magaalooyinka ugu weyn dhulka ay Somalidu degto oo dhan laga furay Jamacado fara badan''Alxamdulialh waa wax lagu farxo wax barta aan barwaaqo gaarnee''
Read »

Sunday, October 18, 2015

Waa guul aan gaaray

Alxamdulilaah maanta waxaan sameystay Blog ii gaar ah asxaabta soo dhawaada
Read »

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by