Wednesday, October 21, 2015

Maxaad ka xasuusata 21 Octoobar

Posted By: KowtharMedia - 8:51 AM
Maanta ayaa waxeey ku beegantahay 21 october waana Sanadguuradii 45aad ee ka soo wareegatay Kacaankii barakeeysnaa ee uu talada Dalka kula wareegay allha unaxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka,  Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke.
Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah  ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21-  sano.
Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikho badan ayaa noo sheegay  in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen.
Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.
Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.
Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxay aheyd maalin farxadeed oo loo dabaaldegi jiray xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, waxaa la sameyn jiray dabaaldegyo arintaasi la xiriira , kaasoo uu ugu weynaa kii ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray,



marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay

About KowtharMedia

Organic Theme is officially developed by Templatezy Team. We published High quality Blogger Templates with Awesome Design for blogspot lovers.The very first Blogger Templates Company where you will find Responsive Design Templates.

0 comments:

Post a Comment

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by