Tuesday, October 27, 2015

Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale

Posted By: KowtharMedia - 4:14 AM
Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo in muddo ah Qaahira ku noolaa, waxna ku soo bartay Masar ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho, Xilkaas oo laga qaaday Muungaab.
Sheikh Yuusuf, waxaa la bartay doorashadii Xasan Sheekh, Xilligii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, Sheikh Jimcaale waxaa uu hogaamiyaney Ololaha isagoo si rasmi ah ula hadli jiray Idaacadaha iyo guud ahaan Warbaahinta.
Xibsiga Madaxweynaha ee Peace and Development Party(PDP) waxaa uu Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ka ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga .
Intii uu Xisbiga u ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga isaga iyo Mas’uuliyiin badan oo xisbiga ka tirsan waxaa ay tababaro iyo iskaashiyo kala la yeesheen Xibsiga haya talada wadanka Turkiga ee AK Party.
Sheikh Yuusuf waxaa jagadan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa horay u codsaday markii la doortay Madaxweynahe Xasan Sheekh September 2012kii, Lakin jagada waxaa uga hormaray Maxamuud Axmed Nuur-Baadi oo loo yaqaan Tarzan oo jagadaasi sii hayey min July 13, 2010kii oo aheyd Xasan Sheekh ka hor iyo Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo loo Magacaabay duqa Magalaada iyo Guddoomiyaha gobolka February 27, 2014.
Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu kasoo jeeda gobolkan Banaadir, wixii ka dambeeyay 1998dii, waxaa uu degan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo ilaa iyo hadda qoyskiisa ku noolyihiin.
Waxbarasho waxaa uu ku jiray dalka Masar intii u dhaxeysay 1999-2006, isagoo ka bilaabay dugsiga dhexe ee Azhar, kadibna dhameystay 3-da sano ee dugsiga sare ee Isla Taanawiga ama dugsiga sare ee Azhar.
Waxaa kaloo uu qalin jabiyay Jaamacadda Furan ee Mareykanka ee dalka Masar(American Open University in Cairo)2006-dii, isagoo ku taqasusay Shareecada Islaamka.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu aad ugu dhawaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa isagoo noqday Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga ., waxaa uu horkici jiray dibad baxyada lagu taageerayo murashaxnimada.
Ardeydii la daganeyd muddo dheer Degmada ardayda ee Madiinat El-Bucuus Al-islaamiya eeAl-Azhar ama dadkii ku yaqaanay Radiyaha Umadda waxaa ay sheegeen in uu ahaa nin degan oo aan hadal badneyn.
Magaalada Muqdisho oo Sheekh Yusuf Mas’uul looga dhigay waxaa degan in ka badan 2 Milyan oo qof, adeegyada ay u baahan tahay tirada ayey ka bateen, waxaa hubaal ah in magaaladan u baahan tahay qof hadal yar oo howl badan.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa maanta October 26, 2015 loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho

About KowtharMedia

Organic Theme is officially developed by Templatezy Team. We published High quality Blogger Templates with Awesome Design for blogspot lovers.The very first Blogger Templates Company where you will find Responsive Design Templates.

0 comments:

Post a Comment

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by