Sunday, November 1, 2015

Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho

Posted By: KowtharMedia - 5:23 AM
Inta Dhimatay Allaha u Naxaristo inta Dhawacantana allaha Bogsiyo wixii Dhici lahaa Waa Dhacen ----
Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa soo afjaray howl galkii mudada saacadaha badan qaatay ee ka socday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kadib markii saaka waabarigii hore dabley ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u gashay.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in goor dhow ay soo bandhigi doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka Hotelka Saxafi.
In ka badan 13-ruux ayaa ku dhintay weerarka, waxaa dadka ku dhintay ku jira Milkiilihii Hotelka oo Ganacsade caan ahaa C/rashiid Ilqeyte, Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen, C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo la sheegay inuu la dagaalamayay dableyda, iyo xildhibaan Abtidoon.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay weerarka Jen. Gacma-Duule oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milateriga iyo dad kale oo Hotelka degenaa.
Wariye u shaqeynayay Idaacada Shabelle, isla markaana Cameraman u ahaa Al-Jazeera uu ka yiraahdo Mustafa Safaana ayaa ku dhintay, halka sawir qaade u shaqeynayay Wakaalada wararka ee Reuters oo la yiraahdo Feysal uu ku dhaawacmay qaraxii labaad.
In ka badan labaatameeyo ruux ayaa la dhigay Isbitaalada Muqdisho, kuwaasoo dhaawacyadooda ay isugu jiraan kuwo culuw iyo kuwa fudud.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan in la soo bad baadiyay Xildhibaano iyo siyaasiyiin degenaa Hotelka, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Suuri iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Hotelka Saxafi ayaa qeyb ahaan bur buray, waxaana goobta laga dareemayaa bur burkii baabuurtii ku qaraxday iyo saameynta qaraxa, waxaana gaariga qaraxa lagu fuliyay la sheegay inuu ahaa gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay









About KowtharMedia

Organic Theme is officially developed by Templatezy Team. We published High quality Blogger Templates with Awesome Design for blogspot lovers.The very first Blogger Templates Company where you will find Responsive Design Templates.

0 comments:

Post a Comment

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by