Wednesday, November 4, 2015

Soomaalida jeebka qoyan waxaa ay si xad dhaaf ah wax ugu dhimeen sharaftii dadka danyarta ah,

Posted By: KowtharMedia - 8:08 AM
  **Waaa Qoraal aan ku eegayo Dad ay dani hayso iyo Doqon uu jeebku qoyan yahay ,

   ^^Hadaba waa sidee hab dhaqanka dadka haysta dhaqaalaha oo u gafaya badanaaa dadka saboolka ah,?

***Dadka soomaaliyeed qaarkood ayaa qofka dhaqaalaha yar waxaa ay  ula dhaqmaan siyaabo kala gadisan, dadka qaarkood waaba ay dulaystaan, waxaana ay  ugu yeeraan magacyo kala gadisan, inkastoo ay jiraan dad badan oo soomaali ah oo xilkas ah oo garanaya danta jirta, ,

Waayaha aduunku waa is daba socdaan, qofwalbana si ayey ku  soo martaa, mana jiro qof uu ilaahay kala balamay dhaqaalo la,aan, iyo  qof waligiis ku waaraya dhaqaalo,

Qofka calooshiis la ciyaarka ahi  markii uu arko  qof danyar ah waxaa  uu u maleyaa in qofkaasi uu yahay qof nacas ah oo aan waligiisa alle waxba siin  doonin ,
asaguna waxaa uu isu arkaa inuu yahay  qof  waligiis ladnaan ku jiri doona,

Tusaale: kuwa calooshooda la ciyaarka ahi markii ay arkaan qof sabool ah waxaa ay u qaadataa in qofkaasu yahay qof habaaran oo ilaahay nacay, asaguna waxaa uu isu arkaa inay yahay qof uu ilaahay jecel yahay,

***waxaan aragnay dad badan oo soomaali ah oo ay hayso busaarada iyo dhaqaalo yari oo ay ku xadgudbayaan kuwa uu jeebkoodu qoyan yahay

sida muuqata dadkasi waxa ay aad u soo shaac baxeen  23kii sano oo ay ummadu ku dhacday dawlad la,aanta,

**Soomaalida jeebka qoyan waxaa ay si xad dhaaf ah wax ugu dhimeen sharaftii dadka danyarta ah,

Si kastaba ha ahaatee waxaan arkidoonaan haduu alle idmo kuwii shalay  danyarta ku kibri jiray oo sabool noqday, iyo kuwii shalay saboolka ahaa oo berri ladan,

Ugu danbayntii waxaa loo baahan yahay inuu qof waliba uu ka fogaado  kibirka iyo isqaadka foosha xun oo aan kor kusoo sheegnay,.

About KowtharMedia

Organic Theme is officially developed by Templatezy Team. We published High quality Blogger Templates with Awesome Design for blogspot lovers.The very first Blogger Templates Company where you will find Responsive Design Templates.

0 comments:

Post a Comment

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by