Sunday, November 1, 2015

6:45 AM Muqdisho Maxaa Ka Dhacay?

Posted By: KowtharMedia - 5:19 AM
Qarax xoogan ayaa abaarihii 6:45 subaxnimo lala eegtay Hotelka Saxafi Hotel oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.




Warar kala duwan ayaa illaa iyo hada ka soo baxaya,
iyadoo qaraxa uu ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo is-miidaamin ahaa oo la beegsaday albaabka hore ee Hotelka.
Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas u dhaxeysay kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada Hotelka, iyadoo dableyda hubeysan gudaha u galeen sida wararku ay sheegayaan.
Waxaana daqiiqado ka hor la maqlay qarax labaad oo gaari yaallay agagaarka Hotelka
Wararka hadda la helayo ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhinteyn dad badan oo uu kamid yahay Milkiilaha hotel saxafi ahaana gudomiyaha rugta ganacsiga cabdirashiid ilqeyte iyo Jeneraal C/kariin Dhaga badan ,,Xildhibaan abtidoon oo dadku qaar ay u yaqaanaan koofi shabaq halka ay ku dhaawac meyn tiro aad u badan oo isugu jira shacabka,,masuuliyiin xilal ka haya dowlada iyo dagaalamayaasha
Warar kale ayaa tilmaamaya in sawir qaadayaal ka tirsan bahda Saxaafadda ay wax ku noqdeen
Al-Shabaab ayaa durbaba sheegtay weerarkan, war la soo dhigay baraha internet-ka ee taageera ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay la wareegeen Hotelka Saxafi

About KowtharMedia

Organic Theme is officially developed by Templatezy Team. We published High quality Blogger Templates with Awesome Design for blogspot lovers.The very first Blogger Templates Company where you will find Responsive Design Templates.

0 comments:

Post a Comment

Copyright © 2015 Nabad iyo Warsan

Designed by